
Howlaha la hagayo ee maktabadda Itäkeskus
Ku soo dhwoow kaqabgalka fasaxa xagaaga ee caruurta loogu talagalay ee maktabadda Itäkeskus. Waxaa la qaban doonaa howlo la hagaayo oo ku aaddan maalmaha 9-13 Juun (9.6.-13.6.) saacadda 13:00 ilaa 15:00. Intaa waxaa dheer aqalka akhriska (lukumaja) ayaa furnaan doona xagaaga oo dhan.
Dhacdooyinka isbuuca:
- Isniin 9.6. Ciyaar loox
- Talaado 10.6. Bingaha xagaaga
- Arbaco 11.6. Tartanka ciyaarta xasuusta
- Khamiis 12.6. Ciyaarta isku xirka qaybaha
- Jimce 13.6. Tartanka aqoonta ee Kahoot
Isdiiwaan gelin hore ma jiro- ka soo qeybgal maalin kasta xitaa!
Maalmaha iyo wakhtiga: 9-13 Juun ( 9.6.-13.6.) 2025, saacadda 13:00-15:00
Goobta: Maktabadda Itäkeskus, Turunlinnantie 1, Helsinki
Akhri wax dheeraad ah: nuorten.hel.fi (af finnish) (Link leads to external service)
Iskuulka xagaaga ee skate-ka
Ku soo dhawoow kulanka baabuurka skate-ka ee u dhow Stoa. Baabuurka skate-ka waxaa laga heli karaa looxa skate-ka iyo qalabka ilaalinta. Macallinka waa xirfadle skater ah Petrus Marttila. Koorsadda waxay ku habboon tahay dadka cusub ee bilaabaya skate-ka.
Maalmaha iyo wakhtiga: 17.6., 18.6., 24.6., 25.6., 5.8. ja 6.8.2025 saacadda 16–18
Goobta: Stoa
Akhri wax dheeraad ah: stoa.fi (af finnish)(Link leads to external service)
Kubbada cagta ee Myllypuro
Myllypuro ayaa lugu ciyaari doonaa kubadda cagta waxaana logu talagalay ciyaalka iyo dhallinyarada. Waxaa la qabanayaa tartamo iyo ciyaaro xiiso leh. Shaqaalaha dhalinyarada ee xagaaga meesha ka shaqeeyaan ayaa hagi doonaan ciyaaraha. Waxay socon doontaa laga bilaabo 2 Jun ilaa 31 Luulyo. Waxqabadkan kaqeybgalkiisa wuguu ubaahanyahay Kaarka xubinnimada.
Maalmaha: 2 Juun-31 Luulyo 2025
Goobta: Pikajuoksijankuja 3, Helsinki
Akhri wax dheeraad ah: nuorten.hel.fi (af finnish)(Link leads to external service)
Tabab rinjiyeeska iyo graffiti-ga
Tabab graffiti oo lacag la'aan ah ayaa lagu qaban doonaa xarunta Stoa. Isdiiwaangelinta waa khasab. Waxqabadyada waxaa hogaaminaya maktabadda Itäkeskus iyo xarunta dhalinyarada Kipinä.
Maalmaha iyo waqtiga: 2 Juun-6 Juun 20205 saacadda 11-15.
Goobta: Stoa
Akhri wax dheeraad ah: forms.office.fi (af finnish)(Link leads to external service)
Tababka dijitaalka
Tabab dijitaal ah oo ay qabanqaabinayso Adeegyada Dhalinyrada. Tababka waxaa loogu talagalay dhalinyarada da'doodu tahay 13-18 sano waxaana lagu qabanayaa Xarunka Tababka Östersundom maalmaha 10 ilaa iyo 12 Juun 2025. Barnaamijka waxaa ka mid ah samaynta podcast iyo duubista muuqaal iyo sawir. Qiimaha tababka waa 20€ (waxaana ku jira cuntada iyo kharashka safarka).
Ka qaybgalayaasha waa in ay haystaan kaarka xubinnimada Adeegyada Dhalinyarada.
Maalmaha: 10–12 Juunyo 2025, saacadaha 9:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
Goobta: Xarunta Tababka Östersundom
Akhri wax dheeraad ah: harrastukset.hel.fi (af finnish)(Link leads to external service)
Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan kaarka xubinnimada (af soomaaliga)
Soo ogow waxqabadyada xiliga xagaaga ee dhalinyarada (af finnish)(Link leads to external service)